Xaalada degmada Afgooye oo saaka degan iyo howl gallo ka socda

Xaalada degmada Afgooye ayaa saaka degan, kaddib markii shalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab weerar culus oo dhowr jiho ahaa ku soo qaadeen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa xalay fiidkii dib ugu laabtay degmada, kaddib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Weerarka Al-Shabaab shalay gelinkii dambe ku qaadeen Afgooye ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray saldhig Ciidamada ku sugnaayeen, waxaana gaariga ahaa nooca loo yaqaano Hoomey oo qudaar dusha sare laga soo saaray, si aan looga shakin.

Qaraxa kaddib ayaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab gudaha u soo galeen, iyagoo weeraray illaa afar saldhig oo ciidamada ku sugnaayeen, waxaana daqiiqado kaddib u suura gashay inay inta badan degmada.

Ku dhowaad 15 ruux oo dhinacyadii dagaalamayay ahaa ayaa ku dhintay dagaalka, waxaana ku jira Taliyihii Ciidamada Asluubta ee degmada Afgooye iyo Saraakiil kale ay ku geeriyoodeen.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Aadan Ibraahim Najax ayaa xaqiijiyay Taliyihii ciidamada asluubta, isku duwihii Wasaaradda Maaliyada, Taliye kuxigeenka ciidanka birmadka ay ku dhinteen dagaalka.

Waxaa uu sheegay in ilaa lix ruux ay hayaan inay dagaalka ku dhinteen, kuwaasoo afar ka mid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howl gallo ka wada xaafadaha degmada Afgooye, sidoo kale ciidamada ayaa u baxay duleedyada degmada, si ay difaac uga sameystaan.

Weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen Afgooye ayaa ku soo beegmaya, iyadoo 45 cisho ka harsan tahay doorashooyinka lagu wado inay dhowaan ka dhacaan dalka, waxaana jirta cabsi laga qabo weeraro Al-Shabaab ku qaadaan goobaha ay doorasooyinka ka dhacayaan.

timthumb-2

}