Wasiirka A. Gudaha oo ugu baaqay maamulka Hirshabeelle inuu dedejiyo xubnaha Aqalka sare

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka la doortay ee Maamulka Hirshabeelle inay dedejiyaan xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya maamulkaas.

Mr Odawaa ayaa sheegay inay muhiim tahay in lagu caddeeyo xubnaha Aqalka sare ee Maamulka Hirshabeelle qoondada haweenka, isla markaana laga dhex arko doorka Haweenka.

“Dowlad goboleedyada kale wali Aqalka sare ma soo dhisin, waxaa fursad u heysataan inaad ka gaarsiisana Aqalka sare oo aad soo dedejisaan, waa in Haweenka qoondadooda laga dhex arko 8 kursi ee aqalka sarena ay labo haween ahaadaan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu soo gudbiyo liiska Musharaxiinta Aqalka sare, iyadoo xubnaha liiskaas ay ka dhex muuqan doonaan siyaasiyiin caan ah.

Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii u horeeyay ee soo doortay xubnaha Aqalka sare u matalaya, iyadoo xubnihii lagu doortay Cadaado ay shalay goob joog ka ahaayeen doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Jowhar ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.

 odawaa
}