SAWIRRO: Musharraxiinta Aqalka Sare ee Puntland oo Maanta Khudbadooda la Dhageysanayo

Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta billababay inay dhageystaan khudbadaha Musharraxiinta u Tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee dhismihiisu socdo.

Musharraxiinta u tartamaya xilka ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 29-xubin oo ay ku jiraan Toban Haween ah. Waxaana laga doonayaa inay xubnahaan kasoo baxaan 11-xubnood oo laga doonayo Puntland.

Sidoo kale, Musharaxiinta u tartamaya inay Maamulka Puntland ku Metelaan Aqalka Sare ee Baarlmaaanka Somalia, ayaa waxaa ku jira RW Sharma’arke, waxaa kaloo ku jira Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Faroole iyo Jen. Moorgan oo horay xilal uga soo qabtay xukuumaddii dhexe ee Somalia.

Dhanka kale, Dhageysiga Musharraxiinta ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gaba-gabeeyo, iyadoo maalinta berri ah o ku beegan Khamiis lagu wado in xildhibaannada maamulka Puntland ay doortaan xubnaha Aqalka Sare ku meteli doona maamulkooda.

Ugu dambeyn Maamulka Puntland ayaa laga doonayaa inay kasoo baxaan 11-xubnood oo ka mid noqon doona Mudanayaasha Aqalka Sare ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

20161019636124581104052184musharraxiinta_puntland-1 20161019636124581279831232musharraxiinta_puntland-3 20161019636124581776144907musharraxiinta_puntland-7 20161019636124582101217163musharraxiinta_puntland-6 20161019636124582330035375musharraxiinta_puntland-8 20161019636124582527821343musharraxiinta_puntland-4 20161019636124582739894835musharraxiinta_puntland-5 20161019636124582888179935musharraxiinta_puntland-2

}