Ruushka oo muddo 8 saacadood hakinaya duqeynta uu ku haayo Xalab

Ruushka ayaa sheegtay inay muddo 8 saacadood ay hakin doonto duqeynta ay ka wado magaalada Xalab ee dalka Suuriya, marka la gaaro maalinta Khamiista.

Mid ka mid ah Taliyeyaasha Ciidanka Ruushka oo lagu magacaabo Sergei Rudskoi ayaa sheegay xabada ay joojinayaan, si shacabka ku go’doonsan magaalada ay uga baxaan, una helaan gargaar caafimaad.

Ruushka ayaa duqeyn arxan darro ah ka waday dhowrkii todobaad ee ugu dambeeyay magaalada Xalab, iyadoo boqolaal ruux ay ku dhinteen duqeynta.

Midowga Yurub ayaa cambaareeyay duqeymaha arxan darada ah ee uu Ruushka ka geystay Magaalada Xalab, waxaana silac badna uu marsiiyay shacabka.

Qaramada Midoobey ayaa dhowaan ka deyrisay xaalada magaalada Xalab, halkaasoo dad badan ku go’doonsan yihiin.

drone-multi-strike-duqayn

}