Gabar Soomaaliyeed oo bas wade ah magaalada Oslo ee dalka Norway(Sawiro)

Taleefishinada dalka Norway ayaa soo bandhigay muuqaal gabar asalkeedu yahay Soomaali oo hadda ka ah wade ka noqotay gaadiidka dadka qaada ee basaska.

Caasho Cali Maxamed ayaa shaqadaani geesinimada leh ka wada magaalada Oslo ee dalka Norway, waxa ayna noqoneysaa gabadhii ugu horeysay oo wade ka noqotay gaari Bas ah.

Gabadhaani Soomaaliyeed waxa ay warbaahinta qeybaheeda kala duwan u sheegtay inay ahaan jirtay mid ku riyoota wadista gaadiidka Baska ah, balse maanta ay u rumowday riyadeeda.

Gabdho badan oo Soomaali ah kuwaasi oo Caasho ku booqda guriga si ay ugu hambalyeeyaan maadaama ay tahay gabadhii ugu horeysay Soomaali ah oo wade gaari bas ah ka noqota magaalada Oslo ee dalka Norway.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalalka caalamka ayaa isku daya shaqo walba oo ka socota dalka ay ku nool yihiin waxaana jira muwaadiniin badan oo caan ka ah dalalka ay ku nool yihiin.

Dhowaan ayaa tartankii ciyaaraha Olombikada adduunka ee ka dhacay dalka Brazil waxaa ka badnaa ciyaartoydii ka socotay dalka Soomaaliya ciyaaryahanada kale ee u tartamayay wadamo kale oo ay qaxooti ku tageen sida dalka Ingiriiska oo labo biladood oo dahab ah u qaaday Mo Farah,dalka Maraykanka,Canada iyo qaar kale.

asho-ali-1

asho-ali-2

asho-ali-3

asho-ali-4

}