Duuliyeyaasha Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways oo shaqo joojin ku dhawaaqay

Duuliyeyaasha Shirkadda Diyaarada ee Kenya Airways ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin, kaddib markii shirkadda ay la soo deristay khasaaro ganacsi.

Maamulka Shirkadda Kenya Airways ayaa isku dayaya inay ku qanciyaan shaqaalaha iyo duuliyeyaasha, inay dib u shaqo bilaabaan.

Ururka Duuliyeyaasha ayaa ugu baaqay Maareeyaha Shirkadda inuu is casilo, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu ku guuldareystay wax ka qabashada khasaaraha Ganacsi ee shirkadda ku jirto.

Sidoo kale waxaa ay ku eedeeyeen Shirkadda Kenya Airways inay ka jirto musuq maasuq iyo maamul xumo.

Duulimaadyo shirkadda Kenya Airways ku tagi laheyd dalal badan oo Afrika ah ayaa dib u dhac ku yimid,  iyadoo shaqaalihii soo dhoweynta rakaabka ay shaqada ka dareereen.

Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa waxay door weyn ku leedahay isu socodka Afrika gudaheeda, waxayna duulimaadyo ku tagtaa magaalooyin badan oo ku yaala Galbeedka, Waqooyiga iyo Koofurta Afrika..

kenya-airways-170x114

}