Doorashada xubnaha aqalka sare ee baarlamanka dalka qeybta Jubaland oo goordhow bilaabatay

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose waxaa goordhow si toos ah uga bilaabatay doorashada xubnaha aqalka sare kamid noqon doona, ayadoo ay ku tartamayaa ku dhawaad 17 musharax.

Xubnahan tartamaya ayaa waxaa u codeeynaya xildhibaannada baarlamanka Jubaland, waxaana goobta ku sugan xubno ka socda gudiga doorashooyinka dadban ee heer federaalka iyo kan Jubaland, wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, wasiirro ka socda dowladda Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Doorashada ayaa ku bilaabatay in mid mid loogu codeeyo musharaxiinta ku tartameeysa kuraasta, waxaana marka ay doorashadu idlaato, la filayaa in lasoo gudbiyo xubnaha ku guuleystay.

Halkan kala soco natiijada doorashada iyo xubnaha ku guuleystay.

20161019636124482887613174dscn9121 20161019636124483016920838dscn9124 20161019636124483701056687dscn9131  20161019636124483839503639dscn9133 20161019636124484150292713dscn9135 20161019636124485352321227dscn9139

}