DEG DEG: Cali Guudlaawe oo ku guuleystay doorashada Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle

Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hirshabeelle, kaddib markii aqlabiyadii ugu bandeyd uu kaga guuleystay Musharaxii la tartamayay Cali Xasan Taakow.

Mr Cali Guudlaawe ayaa helay codod dhan 86 cod, halka Musharaxa la tarmayay uu helay 10 cod iyadoo, sidaas waxaa uu Cali Guudlaawe ku noqday Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hirshabeelle.

Cali Guudlaawe oo ahaa Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa wax badan ka qabtay xaalada Gobolka Shabeellaha Dhexe, tan iyo markii loo magacaabay sanadkii 2014.

Doorashada maanta ka dhacday Xarunta Shirarka ee magaalada Jowhar ayaa aheyd mid aad isha loogu haayay, waxaana ku soo baxay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Labo Cali oo kala ah Cali Cabdullaahi Cosoble oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, halka Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loo doortay Madaxweyne kuxigeenka.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa in la caleema saaro Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa, waxaana munaasabada ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Dhismaha Maamulka Hirshabeelle ee Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa wado dheer soo maray, iyadoo uu la kulmay caqabado dhowr ah, waxaana uu hakad ku jiray muddo sagaal bilood ah, tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh uu furay.

cali-guudlaawe-170x114

}