DEG DEG: Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday degmada Afgooye

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar isugu jira is qarxin iyo dagaal toos ah uu ka socdo qeybo ka mid ah degmadaas.

Sida ay sheegayaan wararka Al-Shabaab ayaa illaa shan jiho ka weeraray degmada Afgooye, iyadoo dagaalyahano badan ay gudaha u soo galeen.F

Wararka ayaa intaa ku daraya in saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin agagaarka Buundada Afgooye baabuur qarax laga soo buuxiyay lagu weeraray.

Xaalada degmada Afgooye ayaa ah mid kacsan, iyadoo weerarka lagu soo beegay xilli casir liiq ah, wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab la wareegeen xarumo ku yaala degmada.

Ciidamada AMISOM ayaa degan banaanka magaalada, gaar ahaan dhinaca wadada ka timaada magaalada Muqdisho.

Degmada Afgooye ayaa qiyaastii 30 KM koofur ka xigta magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, sanadkii 2012 ayaa Al-Shabaab laga saaray degmadaas.

20161012636118451381924766DEGDEG

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

}