Ciidamada Nabadsugida oo xiray Wariyeyaal u shaqeynayay Telefishinka Al Jazeera

Ciidamada Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ayaa shalay xabsiga dhigay Wariyeyaal u shaqeynayay Telefishinka Al Jazeera qeybtiisa afka English.

Wariye Xamza Mohamed iyo Sawir qaade la socday ayaa la sheegay inay xireen Ciidamada Nabadsugida, xilli ay soo galayeen magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in meel duleedka ka ah magaalada Muqdisho lagu xiray.

“Waa jirtaa Wariyeyaal ka tirsan Al Jazeera la xiray, waxaa ku jira Xamza Mohamed, Sawir qaade la socday iyo darawalka gaariga, waxaa lagu xiray duleedka Muqdisho, xilli ay magaalada soo galayeen, wax faah faahin ah kama heyno sababta loo xiray, waxaa xaqiijineynaa inay xiran yihiin wariyeyaashaas Soomaaliyeed”ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Hey’addaha Ammaanka oo ku aadan xariga Wariyeyaashan u shaqeynayay Telefishinka Al Jazeera.

Dhinaca kale Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa sheegay inay ku guuleysteen sii deynta Tifaftirihii Wargeyska Xog Ogaal oo maalmo ka hor ku xireen Muqdisho Ciidamada Nabadsugida, isla markaana la wareegeen qalabkii wargeyska ku howl galayay.

Ciidamada NISA ayaa dhowr jeer oo hore xabsiga dhigay Wariyeyaal ka howl galayay magaalada Muqdisho, iyadoo aanay jirin dambi lagu soo oogay iyo maxkamad amartay xarigooda, waxaana dhacda in Wariyeyaasha la xiro ay xabsiga muddo isaga jiraan, iyagoo aan la maxkamadeyn.

NISA

}