Baarlamaanka Koofur Galbeed iyo Jubbaland oo maanta dooranaya xubnaha Aqalka sare

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulada Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa maanta dooranaya xubnaha u sharaxan Aqalka sare ee ka imaanaya labada maamul.

Labada Maamul ayaa horay u soo gudbiyay Liiska Musharaxiinta Aqalka sare, iyadoo kursi walba ay ku tartamayaan labo illaa saddex Musharax.

Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamulada Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in maanta illaa iyo berri ku soo gudbiyaan Liiska xubnaha u matalaya Aqalka sare.

Shalay ayay aheyd markii Xildhibaanada Baarlamaanka labada maamul ay dhageysteen khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka kuraasta Aqalka sare.

Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii u horeeyay ee soo gudbiyay xubnaha aqalka sare u matalaya, kaddib doorasho ka dhacday sabtidii magaalada Cadaado.

Aqalka sare ee Baarlamaanka oo ah mid ku cusub siyaasada Soomaaliya ayaa ka kooban 54 xubnood oo matalaad ku leeyihiin Maamul goboleedyada, waxaana ay qeyb ka noqon doonaan Xildhibaanada dooranaya Madaxda dowladda.

galmudug-2-200x112

}