Al-Shabaab oo la wareegay qeybo ka mid ah degmada Afgooye

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la wareegay qeybo ka mid ah degmada Afgooye, kaddib markii weerar ku bilowday qarax ismiidaamin gelinkii dambe ee maanta ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ka degenaayeen agagaarka Buundada.

Sida ay sheegayaan wararka xaalada magaalada ayaa ah xilligan mid qasan, iyadoo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab lagu arkayo saldhiga magaalada, xarunta degmada iyo qeybta galbeed ee magaalada.

Dad degan degmada Afgooye oo aan qadka taleefanka kula xiriirnay ayaa taleefanadooda ka jawaabi waayay, sababo cabsi awgeed.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada dowladda ay u baxeen dhanka wadada aada magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet ayaa u sheegay wakaalada wararka ee SONNA in ciidamo dheeraad ah ay u direen degmada Afgooye, si ay Al-Shabaab uga saaraan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida iyo Milateriga ay ka baxeen magaalada Muqdisho, kuwaasoo gurmad ahaan u aaday Afgooye.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, hase ahaatee waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la soo sheegayo.

Afgooye ayaa qiyaastii 30km koofur ka xigta magaalada Muqdisho, waana degmo istiraatiiji ah, weerarka Al-Shabaab ku qaadeen gelinkii dambe ee maanta ayaa noqonaya kii u horeeyay noociisa ee magaalo ku qaadaan, marka laga soo tago weeraradi ay ku qaadi jireen saldhigyada ciidamada.

ALSHABAAB

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

}