Daawo sawirada doorashada madaxtinimada ee Maamulka Hirshabeelle

Waxaa goordhow soo dhamaatay doorashada madaxtinimada maamulka Hirshabeelle iyadoo doorashadan ay ahayd tii ugu horeysay ee lagu qabto magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabeelle.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha Hirshabeelle halka Cali Cabdulaahi Xuseen(Cali Guudlaawe) loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Doorashadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha dowlada federalka iyo wafdi ballaaran oo ka socday maamulka Galmudug kuwaasoo uu horkacayay Madaxweynaha Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed. Wafdiga Guuleed ayaa waxaa ka mid ahaa mudanayaasha Aqalka Sare ee dhowaan ay doorteen baarlamaanka Galmudug.

Waxaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ee ku beegan 20ka bishan Oktoobar 2016 lagu qabto magaalada Jowhar munaasabada caleema saarka Maamulka Hirshabeelle.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

1617

18

19

20

}