Dhaqtar Galmo Xoog Ah Kula Kacay Bukaankiisa

– Waxaa ay aheyd sida ruwaayad waxa uu sameynayay dhaqtarkaan kaas oo la arkay isagoo xoog ugu galmoonaya qaar ka mid ah bukaankiisa oo uu ku duray cirbado sarqaamiya.
Nin ka mid ah kuwa nadiifiya isbitaalkan oo ku yaala magalada Eldoret ee wadanka Kenya ayaa arkay dhaqtarka oo isticmaalaya labo ka mid ah dumarka bukaankanka ah waliba iyagoo diidan.
Waxaa uu shegay in dhaqtarku uu naxay markii u arkay falkaan uu ku jiray iyo isagoo soo dul istaagay kadibna sawiraya waxaana uu sheegay inuu wacay qeybta arimaha deg deg ah ee bukaanada.
Booliska ayaa durba la war galiyay kuwaas oo soo gaaray isbitalka waxaana ay halkaas ka wadeen dhaqtarkii ka xishoon waayay bukaankiisa Dr Jorobe.
Afayeen isbitaalka u hadlay waxaa uu sheegay iney aheyd markii ugu horeyay oo ay arkaan qof dhaqtar ah oo galmo la damcaya bukaan xanuunan oo isbitaalkooda jiifa.
Waxaa uu sheegay iney baarayaan waxa dhaqtarkaan ku qasbay inuu xoogo labo ka mid ah haweenka bukaanka ah ee jiifay isbitaalka.
dg
}
%d bloggers like this: