Muxuu Tababare Jurgen Klopp Ka Yiri Barbarihii Ay Kooxdiisa Liverpool Xalayto Kala Kulantay Manchester United?

Jurgen Klopp ayaa sheegay inay kaliya dhaleeceynayaan naftooda ka dib markii ay ku guuldareysteen inay ka gudbaan kubada difaaca ee ay Man United ku soo bandhigtay Anfield.

Liverpool ayaa barbaro goolal la’aan ah waxa ay kala kulantay xalayto kooxda Manchester United.

Goolhaye David de Gea ayaa labo badbaadin oo cajiib ah sameeyay qeybtii labaad ee ciyaarta iyadoo Liverpool ay haatan ku jirto kaalinta afaraad halka United ay fadhiso kaalinta 7aad.

“Dareen isku dhafan ayaan ka heystaa ciyaartaan” ayuu yiri Klopp.

“Kuma faraxsani ciyaarta. Waxa ay aheyd ciyaar daal badan. Waxaa jiray cadaadis halkaan iyo halkaas ah. Uma maleynayo inaan u ciyaarnay sidii aan u ciyaari karnay. Taasina waa qaladkeena, cid kale eed kuma lahan.

“Si iska OK ah ayaan ku bilaabanay laakiin nooca difaacasho ee ay ciyaarayeen, waxaa inaga luntay geesinimadii. Waan sugi weynay inaan baas sax ah sameyno. Waxaan abuuray xaalado hal ka hal ah laakiin jir ahaan waa ay inaga xooganaayeen. Waana halkaas meesha ay ku fiican yihiin. Laakiin ma aysan abuurin fursado badan.

“Labo ama seddex fursadood oo waa weyn ayuu inaga badbaadiyay David de Gea, laakiin qaab ciyaareedkeena ma uusan aheyn sidii la rabay.

“Waxa ay aheyd kulankii ugu horeysay ee aan shabaqa ilaashano, waana waxa kaliya ee aan ku faraxsanahay.”

klopp3

}